Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal waxaa maanta imaanaya magaalada Cadaado wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Wasiir Odawaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiiru dowladaha madaxtooyada Mudane Mahad Salaad, iyo mas’uuliyiin kale.
Labada masuul ayaa raadinaya xildhibaanimo, waxa ayna la shiri doonaan beelaha ay kasoo jeedaan inta ay joogaan Cadaado.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa maalmahaan ku soo qulqulaya siyaasiyiin danaynaya in ay helaan xildhibaanimo.
Comments are closed.