Wariye u Xiran Ahlu-Sunna Maalintii Sadexaad

Uncategorized Wararka Maanta

Wariye Cismaan Maxamed Adan oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somalia gaarahan TV-GA Qaranka ayaa maalintii Sdexaad ku Xiran Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud. Cismaan oo Khamiistii Gaaray Magaalada ayaa waxaa Xabsiga u taxaabay Ciidamada Maamulka Ahlu-Sunna ee ka Arimiya Guri-ceel iyo Dhusa-mareeb

Xariga Wariyaha waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelkiisa iyo Saxafiyiin kale Oo ku sugan Dhusa-mareeb waxayna Sheegeen Cismaan uu u socday inuu soo booqdo Ehelkiisa oo ku sugan Deegaanada Ahlu-Sunna.majiro wax war ah oo kazoo baxay Maamulka la magacbaxay Gobolada dhexe oo ku Adan wariye Cismaan Adan.

Balse maaha Markii ugu horaysay oo ay Maamulkaani Xiran Wariyaasha taga Deegaanada ay Gacanta ku hayaan ayadoo aysan wax Maxkamad oo ay saaran iyo danbiyo ay ku ee deeyaan toona waxayse si amar la’aan ah Xabsiyada ku shubaan Wariyaal an waxba galabsan oo qaarkood xitaa uusan shaqaynayn halka ay sido kale irdaha iskugu dhufteen Xarumo Warbaahineed oo deegaanka ka howl galayay waxayna Ahlu-Sunna kasoo horjeeda Tabibta Macluumaadka Deeganka.