Wararkii ugu Danbeeyay Dilal Qorshaysan oo Muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

Saddex ruux ayaa xalay siyaabo kala duwna loogu dilay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, sida ay sheegeen Idaacadaha Maxaliga ah.

Xalay fiidkii nin ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Siliga Ameerikaanka, waxaana dilkiisa loo adeegsaday qori Ak47, waxaana meydka ninkan loo qaaday Xarunta Dambi baarista CID.

Wararka ayaa sheegaya in dilka qofka shacabka uu geystay askari ka tirsan ciidamada, kaasoo markii dambe baxsaday.

Dhinaca kale labo wiil oo wada dhashay ayaa xalay lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa dilka geystay, waxaana goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, lama oga hadii ay cid u soo qabteen iyo in kale.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay dilalka Muqdisho, iyadoo bishii hore deegaanka Garasbaaley lagu dilay Haweeney da’ aheyd, inkastoo maamulka deegaanka uu sheegay inay soo qabteen kooxihii dilka geystay.