UNHCR oo ka digtay dib u celinta Bohingaha

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ka digtay in dib loo celiyo Dadka kasoo jeeda qoomiyadda Rohingaha ee ku sugan Dalka Bangaladhesh, iyadoo aan la hubin xaaladda goobaha la dejinayo oo ay weli ka jiraan tacaddiya ka dhan Muslimiinta laga badan yahay.

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa sheegtay in marka hore Gobolka Waqooyiga Purma ee Rakhiin laga shaqeeyo ammaankiisa iyo xasiloonidiisa inta aan Muslimiinta reer Rohinga laga soo daabulin Bangaladhesh.

Afhayeen u hadlay jimciyadda qarumaha ka dhaxaysa laanteeda qaxootiga oo lagu magacaabo Adrian Edwards, ayaa sheegay inaanan Dadka dib loo celin karin iyadoo aan la hubin xaaladda Gobolka Rakhiin ee ay Rohiinguhu degaan.

Bilihii Novembar iyo Decembar ee Sanadkan ayaa la sheegay inay gudaha Dalka Bangaladhesh gaareen 646,000 Qof, kuwaas oo ka cararay gabbood-fallada ka jira Dalka Mynamar sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.

 

Source: Reuters