Turkiga oo Gurmad Caafimaad u soo diray Soomaaliya

Wararka Maanta

Recep Tayyib Erdogan Madaxweynaha Turkiga  ayaa amar ku bixiyay in Diyaaradan ku qalabeysan qalab caafimaad loo diro magaalada Muqdisho, si ay dadka aan dhaawacyadooda waxba looga qaban karin loogu soo qaado.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegaya in Turkiga uu balanqaaday inuu gacan ka geysto gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo dadka aadka u liito ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale umadda Soomaaliyeed u muujiy garab istaag, isla markaana mar walba ka damqada dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.  Isbitaalka Digfeer ee loogu magac daray Erdogan ayaa waxaa la geeyay dhaawacyo fara badan oo gaaray illaa boqol ruux, kuwaasoo qaarkood ay xaaladooda ay yihiin mid liidato

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow sheegay in maalinta berri dibadda loo qaadi doono dadka ugu horeeya ee xaaladooda aan waxba laga qaban karin.

Dadaalada gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa sii socda, waxaana gurmadka uu isugu jiraa mid dhiigag loogu deeqayo iyo baadigoobka hadii ay jiraan dad ku jira dhismayaasha bur buray.

Illaa 200 ruux ayaa la sheegayaa inay dhimashada caga cageyneyso, kuwaasoo la garan la’yahay Rag iyo dumar, jirkooda ayaa aad u gubtay, oo kala go’ay, muuqaalka goobtii qaraxa ka dhacay ayaa aad u doorsoomay urta iyo raadadka kale ee ay reebeen qaraxii shalay.

 

Xigasho: Jowhar.com