Soomaaliya oo yeelanaysa Lacag cusub

Dhaqaalaha Wararka Maanta

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali ayaa Sheegay in Sanadkan ay Soo Daabici Doonaan Lacago Cusub oo Shilin Somali ah Waxaana ku Baxaya 60 Milyan.

Lacagta ayaa qorshaha laga leeyahay ah sidii ay uxoojin leheyd Awooda Lacagta Shilinka Soomaaliga oo hada Suuqyada qaar Gabaabsi ka ah

Waxa ay Daba Socotaa Hoos udhaca Mudooyinkan ku Yimid Qiimihii lagu Sarifayay Doolarka oo ay Xoogeysatay Lacagta Soomaaliga.

FB_IMG_1486880594564

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Bisha May ee soo socota Shir lagu qabanayo Magaalada Lonodon ee Ingiriiska lagu yaboohi doono lacag dhan $60,000,000 Milyan oo Doollar oo uu sheegay in ay ku kaceyso daabicidda lacagta cusub ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Caalamka ee IMF,ayuu sheegay in ay Bangiga dhexe ee Soomaaliya ka caawiyeen tababarka shaqaale gaaraya 120 Qof oo 50 ka mid ah ay heystaan darajada 2aad ee Jaamacadda.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Bisha October ee 2017ka ay Somaliya heli karto lacag cusub oo ay iyada leedahay.