Somaliland oo Amar adag dul dhigay Suxufiyiinta Ajnabiga ah

Wararka Maanta

War-saxaafeed uu ku saxeexan yahay wasiirka warfaafinta Maamulka Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ayaa lagu sheegay in ay marar badan dhacdo in Somaliland ay warbixinno maqal iyo muuqaalba leh, qoraallo iyo sawirraba ay ka diraan saxafiyiin ajaanib ah kuwaasi oo aan wax ogolaanshiyo ah ka haysanin wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay inuu amarkiisu si gaar ah ugu socod hay’adaha madaxa banaan ee wada shaqaynta la leh warbaahinta iyo wasaaradaha, kuwaasi oo marar badan sida uu sheegay Somaliland keenay saxafiyiin aanay wasaaraddiisu ogayn isla markaana shaqooyin ka qabtay goobo uu ku tilmaamay xasaasi inay yihiin, waxaanu wasiirku sheegay in amarkan waxii ka dambeeya laga qaadi doono tallaabo sharci haddii saxafiyiin noocaasi ah nidaamkaasi ku yimaadaan oo aan lala socodsiin wasaaraddiisa.

Wasiirka oo qoraalkiisan ku sharaxay sida saxda ah ee ay weriye ajaanib ahi gudaha Somaliland uga howlgeli karaan, ayaa waxa uu tilmaamay in marka hore uu wasaaradda warfaafinta uu codsi uu ku rabo shaqada uu qabanayo in loo ogolaado oo ay ku lifaaqan tahay mudada uu joogayo, goobaha iyo caddaymo isaga la xiriira oo ka dibna ay wasaaraddu haddii ay ku qanacdo ay codsi u gudbinayso laanta socdaalka oo dalku galka u soo saaraysa ka dibna ay la socod siin doonaan dhammaan hay’adaha shaqooyinka weriyaha imanayaa ay la xiriirto.

Saxafiyiin kala duwan oo ajaanib ah ayaa Somaliland u yimaadda shaqooyin ama tabinta xaalado taagan markaasi iyo dhacdooyin aanay warbaahinta guduhu sheegin sida maxaabiista ku jirta xabsiyada

Tagged