Shirka Madasha wadatashiga qaran oo maanta kafurmay magaalada muqdisho

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka Madasha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ah Madaxda dowladda, Madaxda maamul goboleedyada oo intooda badan shalay soo gaaray Muqdisho, Wasiirada iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Shirka ayaa looga hadlayaa dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo tabasho ka timid go’aanadii ka soo baxay shirkii bishii hore ka dhacay Muqdisho.

Arrimaha ugu weyn ee laga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah arrinta Aqalka sare oo xubno looga kordhiyay Puntland, taasoo ay ka biya diideen Madaxweynaha Galmudug iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee Madasha Wada-tashiga Qaran yeelato, waxaana la filayaa in go’aanada ka soo baxa ay noqdaan kuwo lagu sii wado hanaanka doorashooyinka ee uu dalka galayo dhowaan

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay yar tahay rajada dadka Soomaaliyeed ka qabaan in go’aamada shirkan ka soo baxa uu noqdo mid masiir umadeed, maadaama Madaxda ay yihiin kuwo danahooda gaarka ah eegaya, isla markaana ka fikiraya sidii ay mar kale u soo laaban lahaayeen, maadaama ay Musharaxiin yihiin.