Shirka Madasha Hoggaanka Qaran Wali la isku mari la' yahay

Wararka Maanta

Arrimaha aan wali laga heshiin ayaa waxaa ka mid ah halka laga soo xulayo Xubnaha Maamulka Khaatumo u matalaya Aqalka Sare iyo sharciyada Madaxweynaha uu xafiiska ku joogayo marka la gaaro 10 September, waxaana qodobkan uu ahaa midka ugu adkaa.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa markii hore ka soo horjeeday mudada 50-ka maalmood ee lagu daray doorashada waqtigeeda sida Dastuurka qabo uu xilka Madaxweynaha sii haayo Guddoomiyaha Baarlamanka, taasoo Madaxweyne Xasan uu aad uga biya diidanaa.

Hase ahaatee waxaa muuqata in waxoogaa laga soo dabcay qodobkaas, balse qodobka hada ugu weyn ayaa ah sida loo soo xulayo xubnaha ka imaanaya Khaatumo ee Aqalka sare.

Hoggaamiyeyaasha ayaa soo jeediyay saddex arrimood oo ay ka mid yihiin in xubnaha Khaatumo ee Aqalka sare kaga soo aaday la raacsiiyo Somaliland, in qoondada Puntland iyo Somaliland ee Aqalka sare ku soo aaday laga jaro tiro isla eg, lana siiyo Khaartumo iyo in Puntland laga soo xulo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeysanaya in xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Khaatumo uu isaga xaq u leeyahay, isla markaana uu soo xulayo, taasoo keentay in doodu dheeraado.

Kala aragti duwanaanshaha hareeyay Madaxda ayaa waxay keeneen in shirka uu dheeraado, isla markaana uu galo maalintii todobaad, waxaana shirka markiisa hore uu ku qorsheysnaa in labo maalmood uu socdo.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib howlo caafimaad uu ku tagay Hindiya, ayaa xalay ku biiray shirka Madasha wada-tashiga qaran.

Lama oga illaa iyo hada waqti rasmi ah oo la soo gaba gabeyn doono shirka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dib u dhacyo ku yimaadeen war murtiyeedkii shirka laga soo saari lahaa.

Comments are closed.