Shariif Xasan oo Xilkii ka qaaday Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Baay

Wararka Maanta

Sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oona ku taariikheysan 12 April 2018 ayuu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka gobolka Baay.

Warqadan xil ka qaadista ayaa ku socotay Taliyaha Nabad sugidda Qaranka. Lama oga sababta rasmiga ah ee xil ka qaadista Taliyahaan oo lagu magacaabo Ibraahim Isgowe Ibraahim. halkaan ka aqriso wareegtada.