Dowladda Soomaaliya oo Danjire u Magacaawday Mareykanka

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa safiir Cusub u magacaawday dalka Mareykanka,xilkaas oo bannaanaa muddo Sanad ah,waxana loo loo Magacaabay Cali Shariif Axmed.

Mudo sanad ah Soomaaliya wax safiir ah kuma laheyn dalka Mareykanka,kadib markii safiirkii u joogay dalkaasi mareykanka ee Axmed Ciise Cawad loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u magacaawday Mareykanka Cali Shariif Axmed ayaa horay waxaa uu u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Faransiiska.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Afar sano ah hayay xilka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka oo loo Magacaabay sanadkii 2015-kii.

Dhawaan ayaa la filayaa in danjire Cali Shariif Axmed uu u ambabaxo dalka Mareykanka si uu ula wareego Shaqadii safiirnimo,isla markaana uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabista Danjirayaasha ku salaysa Awood qeybsiga beelaha, iyadoo lagu qanciyo beelaha iyo siyaasiyiin ku aragtida ah Dowladda.