Sawirro: Saxiixa Mataanaynta Bosaso iyo Minneapolis

Wararka Maanta

Waxaa shalay lagu saxiixay Magaaladda Minneapolis Xarunta looga Taliyo ee City Hall – Heshiis lagu Mataaneynayo Magaalooyinka Minneapolis iyo Boosaaso, Waxaana saxiixay labada Duq Magaalo, Betsy Hodges iyo Inj. Yaasiin Mire Maxamuud.

Magaalooyinkan ayaa waxaa la mataaneeyay bishii Oktoobar ee Sannadkii 2014-kii, intaas wixii ka dambeeyay waa markii ugu horreysay oo ay labada duq magaalo kulmaan.

Kulankii shalay oo ay kasoo qayb-galeen Dadwayne fara badan, ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda labada magaalo, waxaana ugu horeyn hadlay Cabdi Warsame oo ah masuulka Hawshan kasoo shaqeeyay, isagoo sheegay in Sannadka dhalan doona uu Soomaaliya 30 sano dibadda uga maqan yahay waliigsna uu ka fakiri jiray sidii uu wax ugu qaban lahaa, Tanna waxay ka mid tahay buu yiri guulahii aan dooni jiray. Wuxuuna intaas ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay keentay Doorashadiisii.

Sidoo kale, Duqa Minneapolis, Betsy Hodges ayaa iyaduna ka hadashay dareenkeeda, Waxayna sheegtay inuu nasiibku siiyay intii ay ku sugnayd xafiiska mataaneynta labadaan magaalo, waxayna xustay inay aad ugu faraxsan tahay inay hoy u tahay MPLS kumannaan Soomaali ah.
“Waxaa sharaf weyn noo ah noo ah Joogitaanka aad joogtaan goobtaan… Waxaaan kaloo ogahay inay jiraan hadalo halis ku ah Soomaalida Dalkan Mareykanka ku nool,” ayay tiri Hodges, oo intaas ku dartay hadal si aad ah loogu sacab-tumay oo ahaa; Cid walba oo Halis ama Su’aal gelisa Qiimaha Soomaalida Minnesota hanoo yimadaan, anagaa saxayna.

Intaas kaddib waxaa isaguna goobta ka hadlay maayarka Boosaaso, Yaasiin Mire Maxamuud oo u mahad-celiyay Dhammaan Xubnihii kasoo shaqeeyay hawshan, isagoo ku daray intaas inay farxad u tahay guusha Boosaaso ay ku tallaabsatay.
Ugu dambeyn, Waxaa goobta lagu kala saxiixday waraaqihii heshiiska, iyadoo Dadwaynahii Soomaaliyeed ee kasoo Qayb-galay kulanka ay u riyaaqeen sida uu heshiisku u dhacay.

201681363606663512058669513920961_10210179135857628_381168862547027601_n 201681363606663524480523213892334_10210179136617647_8151587513154919717_n 201681363606663536930068113886882_10210179138017682_7759724502270814609_n 201681363606663544119657713882254_10210179139097709_2469640911293196997_n 201681363606663552457187513902559_10210179143777826_4967603168706262270_n 201681363606663580583524113903379_10210179141097759_2523069376089839122_n 201681363606663628751438213912617_10210179144057833_331622722193025880_n 201681363606663646287275713906681_10210179141417767_7671837388653638852_n

Xigasho: Hiiraan.com

Comments are closed.