Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo la kulmay M. Keating

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating.

Mr. Keating ayaa Axmed Ducaale ugu hanbalyeeyey inuu ku guuleystay Madaxweynanimada Galmudug, waxaana uu ku amaanay in dib u heshiisiintu tahay arinta ugu horeysa ee uu rabo inuu wax ka qabto.

Sidoo kale Keating ayaa sheegay in ay kawada hadleen sidii beesha caalamku Galmudug gacan uga siin laheyd arimaha Ammaanka, dhaqaalaha iyo maamulka.

Madaxweyne Geelle ayaa la filayaa inuu Talaadada u ambabaxo dalka UK, halkaas oo dhawaan ka furmayo shirka loooga hadlayo aayaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo, Mr. Xaaf ayaa sidoo kale kulamo la qaatay xildhibaano iyo waxgarad kasoo jeeda Galmudug.

IMG_20170507_130153 IMG_20170507_130219