Sawirro: Khasaare ka dhashay Gaari AMISOM oo jiiray gaari shacab duleedka Muqdisho

Wararka Maanta

Gaari bas ah oo ka yimid degmada Afgooye ayaa waxaa dulmaray gaari ciidan oo ay leeyihiin AMISOM, shilkaan ayaa ka dhacay  degaanka calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho, inta la xaqiijiyey 5 qof oo shacab ah ayaa shilkaas ku dhintay ah , halka 15 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray gaariga rakaabka ahaa.

Ciidamada dowlada iyo masuuliyiin ka tirsan degaanka ayaa goobtaas gaaray, iyadoo dadkii ku dhaawacmay shilkaas iyo meydadkiiba loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa wadooyinka ku mara xawaare aad u sareeya, iyagoo xitaa aan u aabe u yeelin dad iyo gaadiid wixii ka hor yimaada, mana ahan markii ugu horeysay gaadiidkoodu u si ulakac ah u jiiro gaadiid kale.

C2PQZyaXgAAAZep C2PWcgqXgAEMSzA C2PWd8nXUAEcycz