Maamulka Galmudug ayaa 10 badmaax iyo doontii ay wateen ku wareejiyey markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya.
Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali Faat , Xildhibaan Xasan Cabdullaahi Cascaseey, Taliyaha Daraawiishta Galmudug Qooje iyo ciidamada Galmudug ayaa ajaanibtaan ka sagootiyey xeebta deegaanka Murgane ee degmada Hobyo.
Badmaaxyadan u dhashay dalka Hindiya iyo doontii wateen ayaa ka shiraacday halkaas, waxaana galbiyey markab dagaal.