Sawirro: Carwada 3-aad Buugaagta Muqdisho oo la daahfuray #MBF2017

Arimaha Bulshada Hormarka Dalka Wararka Maanta

Waxaa hotelka Royal Palace Magaalada Muqdisho maanta ka furmay Carwada 3-aad buugaagta Muqdisho, carwadan ayaa socon doonta saddexda maalin 13, 14 iyo 15 Sebtember 2017. waxaana ka soo qeybgalay qalinley isugu jirta Soomaali iyo anjabi, suugaanyahano, hiddodhowrayaal, Murtimaalo, aqoonyahano iyo marti farabadan.

Waa sanadkii saddexaad ee la qabto carwadaan, waxay bog cusub u furtay Bulshada Soomaaliyeed oo hamuun u qabo aqriska, waxaana tani cadeynaysaa in Soomaaliya ku socoto dhabihii horumarka, kol hadii lagu baratamayo aqris iyo qoraal.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in dhalinyaro badan ay sanadihii dambe ku biireen qorayaasha Soomaaliyeed, taas oo sare u qaadeysa aqoonta iyo garaadka Bulshada Soomaaliya. Bandhiga oo lagu qabanayo laba hool, ayaa kan koowaad waxaa ka socda dhageysiga khudbadaha qorayaasha Soomaaliyeed, halka kan kale uu ka socdo gadashada Buugaagta.

Dadka goobta joogay ayaa u badnaa dhalinyaro, waxaan marti bandhigaan ku jira siyaasiyiin wax ka qoray waayihii dalka iyo sooyaal Soomaaliya, bandhigaan ayaa lasoo gunaanadi doonaa Maalinta jimcaha, waxaana soo xiri doona Madaxweynaha Qaran Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tagged