Sawirro: 8 Qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Muqdisho.

Wararka Maanta

Qarax xooggan oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay maqaayadda kasoo horjeedda dhismaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 8 ruux oo rayid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 20 kale.

Qaraxaan ayaa dhacay abaara 11:45 barqanimo, waxaana sidoo kale geystay khasaare hantiyadeed, Qaraxyada maqaayadaha laga cunteeyo ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho.

Dadka khasaaruhu soo gaaray ayaa loola cararay goobaha caafimaadka, dowladda Federaalka wali wax war ah kama soo saarin qaraxaan khasaaraha geystay.

FB_IMG_1491388142632-1 FB_IMG_1491388130425-1 FB_IMG_1491388138991 FB_IMG_1491388134042 FB_IMG_1491388125015