Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay Maamullada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkan oo ka duwanaa Dagaaladii horey uga dhici jiray Gaalkacyo ayaa waxa uu bilowday saakay aroortii waxaana uu soo gaaray duhurnimadii maanta.
Khasaaraha Dagaalka labada dhinac:
- Dhanka Galmudug waxaa uga dhintay 15 askari, iyo dhaawaca 22 kale, waxaana dagaalka looga qabsaday hal gaari oo tikniko ah.
- Dhanka Puntland waxaa uga dhintay 17 askari oo uu ku jiro taliye sare, iyo dhaawaca 20 kale, waxaa looga qabsaday dagaalka 7 askari.
Dhinacyada Puntland iyo Galmudug oo ka kala hadlay Dagaalkan ayaa midba midka kale ku eedeeyay, waxaana bur buray heshiiskii Magaalada Dubai ay ku gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug.
labada ciidan ayaa isku horfadhiya goobihii lagu dagaalamay, waxaa soo gaaraya gurmadyo ciidan iyo tikniko xooggan.
Comments are closed.