(Sawiro) Diyaar Garowga soo dhawaynta RW Khayre ee Kismaayo

Wararka Maanta

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magalada Kismaayo ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa dhawaan dib u dhigay safar uu ku tegi lahaa Kismaayo sababo la xiriira ka qeyb galka Aaska Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Wadanka isutaga Imaaraadaka Carabta.

Amniga Magalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana Garoonka Diyaaradaha iyo Gudaha Magaalada Kismaayo lagu arkayaa dadweyne farabadan kuwaas oo loo diyaariyey soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.