Hay’ada Nabad Sugida Jubaland ayaa soo bandhigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kaasoo ay sheegtay inuu isu soo dhiibay.
Qoraal lagu dabacay baraha Bulshada ee Nabad Sugida Jubaland, ayaa lagu sheegay in ninka isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Rayaan Shiikh Nuuur, Shabaab dhexdiisana looga yaqaano (Abuu Xamsa) uu madax uga ahaa Kooxdan dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.
“Kani waa Rayaan Shiikh Nuuur magaca Shabaabka looga dhex yaqaano (Abuu Xamsa) waa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose kooxda argagixisadda waxaa uu isku soo dhiibay ciidanka amniga Jubbaland” ayaa lagu yiri warka Sirdoonka Jubaland.
Laamaha ammaanka ee Jubaland ayaan bixin faah faahin ku aadan qaabka ay ku timid isa soo dhiibitaanka Sarkaalkan iyo deegaanka uu sida rasmi ahaan isaga dhiibay, iyadoo la soo bandhigay Sawirka muujinaya muuqaalkiisa.
Ma jirto wai wax war ah oo Shabaab ay ka soo saareen Sarkaalkan muhiimka u ahaa ee Jubaland sheegtay inuu dhineceeda isu dhiibay, iyadoo mudooyinkii u dnabeeyay ay jireen xubno Shabaab ah oo Saraakiil iyo Aska isugu jirta, kuwaasoo iska dhiibayay gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.