Ra’iisul Wasaaraha oo ka hor-yimid in Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu soo xulo Muqdisho

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hor-yimid soo jeedintii ka timid qaar ka mid ah Oday dhaqameedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ahaa in Xildhibaanada goboladaas lagu soo xulo magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka dadban oo la kulmay qaar ka mid ah madax dhaqameedyada ayaa ka aqbalay soo jeedinta, iyadoo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo fadhigiisu yahay magaalada Beledweyn uu ka soo hor-jeestay.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiran iyo Sh/Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka looga baahan yahay inay wada-tashi la sameeyaan Odayaasha dhaqanka labada Gobol ee ku jira liiska 135-ta, kadibna natiijada ka soo baxda wada tashigoodana ay u soo gudbiyaan dowladda Federaalka.

“Waxaa u mahad celinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga doorashooyinka 2016, hase ahaatee waxaa rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddiga inay ilaaliyaan Go’aanadii lagu gaaray Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu caddeeyay in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku booriyay Guddiga doorashooyinka inay wada tashi la yeeshaan dhamaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, uguna tagaan goob kasta oo ay joogaan, sidii horay loogu heshiiyey.

Madaxda dowladda ee xilkooda dhamaaday, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa u dhaxeeya loolan xooggan oo ku aadan doorashada, maadaama ay yihiin Musharaxiin Madaxweyne, waxaana labada dhinac horay uga soo baxay xafiisyadooda qoraalo lidi isku ah.

Comments are closed.