Dad Caawa lagu laayey Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu Caawa Maqribkii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Weerar ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ee Degmada Wadajir,isla markaana loo geystay dad isku Qoys ahaa oo kamid ah dadka deegaanka degmadaasi xiliga ay ku sugnaayeen Guri ay hor fadhiyeen.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa sheegay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen 5 ruux,halka 6 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen,iydaoo ay weerarka fuliyeen Kooxo ku hubeysnaa Ak-47.

Ragii ka dambeeyay falkaas Caawa ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo ay wateen.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan weerarkii Caawa halkaas ka dhacay.

Xigasho: Dalsan Radio