Puntland oo sheegtay in ay dilayso Qofkii taageera Somaliland

Wararka Maanta

Guddiga Difaaca Puntland ayaa go’aano culus ka soo saaray Mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ee xilalka ka haya Somaliland iyo ciidamada ka soo jeeda goboladaas.

Go’aanada ayaa ka mid ah in cidii lagu qabto gacan siinta iyo taageerida Somaliland ay muteysaneyso xukun dil ah. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in abaal marin la guddoonsiinayo cid kasta oo Puntland isku soo dhiibta, mudada uu socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Guddiga Difaaca ayaa sheegay in cidii lagu qabta iyadoo sir u gudbinaya Somaliland ama jaajuusnimo kula shaqeyneyso lagu fulinayo dil toogasho, isla markaana hantidiisa la wareegeyso Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca Puntland ahna Wasiirka Amniga Axmed C/llaahi Yuusf (Dowlad) ayaa saxaafada u akhriyay go’aanada Guddiga ka soo baxay.

Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa hadda salka la gashay xaalado aan horay u gaarin, iyadoo Puntland gebi ahaanba mamnuucay gaadiidka booyadaha shidaalka ee aada dhanka Somaliland.

Xigasho: Jowhar.com