Puntland: Dowladda Federaalku waxay burburinaysaaa Dowlad Goboleedyada

Wararka Maanta

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamnulka Puntland ayaa markale waxaa Eedeyn kulul loogu jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ku saabsan in dowladda Federaalka ku howlan tahay burburinta Maamul Goboleedyada.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay aad uga walaacsan tahay habdhaqanka hoggaamineed ee Madaxda dowladda Federaalka kAas oo si cad uga hor-imaanaya geedi-socodka iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Puntland ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan doorashooyinka dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Mudo bil gudaheed ah ayaa Maamulka Puntland waxaa uu Eedeyn kala duwan u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,hayeeshee ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka aysan ka jawaabin.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland.