Paul Pogba Oo Xaqiijiyay Inuu Diiday Real Madrid

Ciyaaraha

Paul Pogba ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday fursad uu ku biiri lahaa Real Madrid xagaaga 2016 si uu ugu laabto Manchester United.

Pogba ayaa ka tagay United si uu ugu biiro Juventus sannadkii 2012 ka dib markii uu ka careysnaa fursado la’aantii Sir Alex Ferguson.

Jose Mourinho ayaa dib ugu soo celiyay Old Trafford ka hor xilli ciyaareedka 2016-17, laakiin 24 jirkaan ayaa United ka caawiyay inay ku guuleysato League Cup iyo Europa League labadii xilli ciyaareedkiii  u danbeyay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 89 milyan ginni ayaa sheegay in Real Madrid ay xiiseyneyso adeegiisa marka ay cadeeyeen inuu ka tagayo Juventus, laakiin ‘wadnahiisa ayaa u sheegay inuu dib ugu biirayo United’.

“Qalbigeyga ayaa ii sheegay inaan dib u soo laabto, si daacad ah, anigaa daacad ah, Real Madrid ayaa ii timid anigana waxaan ka fekerayay inaan halkaas aado, waxaana ka fekeray inaan aado Manchester United” ayuu Pogba u sheegay suxufiyiinta. Pitch.

“Laakiin mar walba waan dareemay qalbigayga – wadnaheyga ayaa ii sheegay inaan halkan ku soo laabto, ma garanayo sababta, ma aanan ogeyn waxa dhici lahaa, laakiin waan sameeyay, mana  ka xumi. marna kama xumi doorashadeyda. ”

Pogba ayaa haatan  United  uga maqan seddex kulan oo ganaax ah.