Meydka Haweeney lagu arkay Degmada Kaaraan

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Xerka dheere ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay lagu arkay  Haweeney meyd ah.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay  sheegeen in saakay waabarigii hore ay arkeen Meydka qof dumar ah oo taalla Suuq Xerka dheere,iyagoo sheegay in xalay la soo dhigay halkaas.

Goobta lagu arkay Meydkaas ayaa waxaa gaaray dadka xaafadda, kuwaasi oo doonayay si ay u aqoonsadan,hayeeshee waxaa la tilmaamay in jerkeeda uu ka muuqday dhaawacyo rasaas ah.

Wararka ayaa intaasi wax ay ku darayaan in haweeneyda ay kamid aheyd ganacsatada Suuqa xerka dheere ee ku yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,inkastoo aan weli si dhab ah loo cadeyn.

Dadka kunool halkaasi Xaafada suuqa Xerka dheer ayaa saakay aad u hadal haaya dhacdadaan.

Xigasho: Radio Dalsan