Maxkamadda Ciidamada oo Dil ku xukuntay Askari horay u dilay Darawal

Wararka Maanta

Cabdulaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019.

AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyba ka mid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday.

14-kii bishan sii dhamaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib.

22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujita dhakhtarka.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga.

Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida.