Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Dil ku fulisay 3 Nin (Sawirro)

Wararka Maanta

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee jubbaland ayaa waxay maanta xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo ku eedaysanaa fal-dambiyeedyo dil ah kuwaas oo kala ah.

  1. Cabdullaahi Asad Ismaaciil oo horay u dilay xaaskiisii marxuumad Muxubo Maxamed Guure
  2. C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi
  3. Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay  Marxuum Cawil Colow Xasan

Toogashada Askartaan ayaa ka dhacday Barxadda Akadeemiya magaalada Kismaayo, arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli raggaan dhawaan lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga naxay falkii uu xaaskiisa ku dilay Cabdullaahi Asad, waxaana horey maamulka Jubbaland looga codsaday in uu cadaaladda marsiiyo askarigaas, oo maanta dilka lagu fuliyey.