Maxkamad ku taal Koofur Afrika oo 10 sano ku xukuntay haweeney xaday Ilmo

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Maxkamad ku taal Koofur Afrika ayaa 10 sano ku xukuntay Haweeney 20-sano ka hor xaday ilmo lagu dhalay Isbitaal.

Haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa da’deeda tahay 51 sano jir, waxaana ay xaday gabar dhalneyd saddex cisho.

Haweeneydan ayaa muddo u korsaneysay canugtan sida inay dhashay oo kale, waxaana ay diiday inay qirato dambi ah inay afduubatay.

Zaphny Nurse ayaa laga xaday sariirtii isbitaalka, 19 sano ka hor, saddex cisho kadib markii la dhalay.

Maxkamadeynta ayaa bilaabatay sanadkii 2015, markii haweeneyda la xiray, Booliska ayaa ka qaaday gabadha ay korsatay dheecaanka DNA, waxaana lagu ogaaday inay wada dhasheen gabar kale oo ay isku iskuul ahaayeen, isuna ekaayeen.

Garsooraha Maxkamada ayaa ku eedeeyay haweeneydan inay afduubatay gabar yar 19-sano ka hor, waxaana ehelada gabadhaas yar oo dib ula midowday qoyskeeda ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xukunka Maxkamadda.

Arrintan ayaa aad looga hadal hayay dalka Koofur Afrika, waxaana intii ay socotay dacwada ay dhowr jeer haweeneyda la eedeeyay ku cel celisay inay canugta iyada dhashay.

Comments are closed.