Maxbuus ku dhintay xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Wararka Maanta

Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa ku dhex geeriyooday xabsiga sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen Eheladda Wiilkaasi. Wiilka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan, waxaana adeerka wiilkaasi uu saxaafadda gudaha u sheegay in ciidamada Ammaanka ay horay usoo qabteen, islamarkaana ay ku eedeeyeen Shabaabnimo.

Waxaa uu sheegay in uu kubad la cayaaray mid ka mid ah dhalinyaradda xabsiga ku xiran ka dibna ay is dagaalleen sidaasna lagu dhexgeliyay Konteenar , islamarkaana uu halkaasi ku dhintay.

Waxaa uu sheegay in Markii lasoo qabtay in la waydiistay Laaluush, islamarkaana ay diideen in ay bixiyaan sidaasi lagu xukumay wiilka. Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayuu ka codsatay in cidii falkaasi ka dambeysay la maxkamadeeyo oo ay caddaalad helaan.