Markab lagu Afduubtay gacanka Cadmeed

Wararka Maanta

Sida ay qoreen warbaahinta dalka Hindiya Markab laga leeyahay dalka Hindiya ayaa laga afduubtay badda gacanka cadmeed , kadib markii kooxo burcad badeed Soomaali ah ka qafasheen isagoo maraya badda cas. Markabkan ayaa u siday shixnad xamuul ah dalka Yemen.

Markabkaan ayaa waxaa la socday 11 shaqaale ah, Burcad badeeda ayaa ula soo dhaqaaqay markabka dhanka xeebaha ku dhow degmada Eyl gobolka Nugaal.

Dhawaan ayey aheyd markii markab xamuul sida koox burcad badeed ka soo qafasheen badda cas ee gacanka cadmeed, kuwaasoo deegaanka caluula la yimi, inkastoo markii dambe xoog looga dejiyey kooxdii burcad badeeda aheyd ee soo qafaakatay.

Waxaa sii xoogeysanaya kooxaha u kacaamaya dhanka burcad badeednimada iyagoo qiil ka dhiganaya marakiib iyo doonyo jiriif xoog leh ku haya baddaha Soomaaliya.