Maqaal: Alshabaab “Colka Waraf ma lagu dayey”

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Al Shabaab wey ka adkaatey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Soomaalidu waxey tiraah ” Abeeso dhul u eki bey kugu dishaa “. Al Shabaabna Soomaalidii diintii ayey ka soo mareen iyaga oo koox qaabka Maafiyada u shaqeysa ah ayey culumo iska dhigeen. Hadda sida looga adkaado aad ayey u adag tahay sababta oo ah mashruucoodu argagax gelinta waxey sannadkii ka helaan lacag 60$ ilaa 100$ malyan u dhaxeyso.

1992-dii ayaa Booliiska Talyaaniga waxey magaalada Palermo ka qabteen wiil dhalinyaro ahaa oo markii danbe saxaafada Talyaaniga ugu yeeri jirtey ” Il ragioniere della mafia” Xisaabiyihii Maafiyada. Wiilkaa dhalinyarada ahaa waxaa mudo daba socdey Booliiska Talyaaniga.

Wiilkaa oo ka dhashey qoys sabool ahaa, wuxuu wadan jirey gaari qaali ah BMW oo cusub, lacag aad u badana wuu qarash gareyn jirey, wax shaqo ahna ma hayn. Wiilkaa waxaa caado u ahayd in maalmaha Isniinta ilaa Khamiista mudo 2 saacadood ah aroortii hore tago guri asaga u kireysnaa oo xafiis u ahaa.
Booliiska Talyaaniga waxey markii hore moodayeen in uu ka ganacsado Daroogada oo guriga xafiiska u ah lagu keediyo Daroogada.

Booliiskii Talyaaniga oo fasax ka haysta maxkamada gobolka ayaa aroor hore iyaga oo wata Eeyaha daroogada baara ay galeen gurigii wiilka dhalinyarada xafiiska u ahaa, balse si kasta oo loo baaro gurigii waa laga heli waayey wax darooga ah taa bedelkeeda waxaa gurigii laga heley Feelalka tira badan oo magacyo iyo xisaab lacag ku qoran yihiin. Wiilkii dhalinyarada waa la soo xirey. Booliiskii markii ay baarreen feelalkii waxey ogaadeen in wiilka dhalinyarada ah uu ahaa xisaabiyaha Maafiyada. Waxaa feelalka ku dhignaa magacyada ganacsatada yar yar iyo kuwa waaweyn ee magaalada Palermo iyo magaalooyinka u dhow. Waxaa feelalka ku qornaa ganacsato walba qiyaasta lacagta ee sannadkii macaasho iyo canshuurta laga rabo bil walba. Kan bixiyey iyo kan laga sugayo.

Wiilkaa dhalinyarada ahaa waxey saxaafada Talyaaniga u bixisey ” Il ragioniere della mafia”. Xisaabiyihii Maafiyada. Al Shabaab hadda qaabkaa Maafiyada Talyaaniga u shaqeyn jirtey ayey u shaqeeyaan. Suuqa Bakaaraha ma jiro ganacsade aysan canshuurin waxeyna la socdaan ganacsade walba iyo dhaqaalaha soo gala. Canshuurtoodu ee baada ah Zakaad ayey ugu yeeraan. Hoteelada Muqdisho ku yaal ma jiro mid aysan canshuur ka qaadin kan ay qarxiyaana waa kan canshuurta ka diida. Hadda waxaan maqlayaa in Xildhibaannada Dowladda Federaalka iyo Wasiiro qaar ay lacag baad ah ka qaado Al Shabaab si nafsadoodu u badbaadiyaan.

Al Shabaab Soomaali wey ka adkaatey mana muuqato si layskaga celin karo hadda oo mashruucoodu isku bedeley ganacsi oo ay lacagta tiro badan ay ka sameeyaan. Askari 100 dollar bishii qaata oo gaajeysan ma hor istaagi karo Al Shabaab. 100$ oo ay u dhiibto ayaa ku filan qarax walba oo ay wadaan wadada ayuu u furayaa.

Al Shabaab hadda waxey awood u leedahay in ay lacag yar ku iibsato shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo saraakiisha sirdoonka. Sarkaal mushaar ku filan aan qaadan, qadiyad adagna lahayn Al Shabaab si fudud ayey u iibsan kartaa waana sababta Allaha u naxriiste Injinyeer Yariisow xafiiskiisa in qarax ka dhaco suurtagelisey. Lacag iyo Argagax ayey Al Shabaab kaashataa. Dowlad daciif ah iyo shacab kala daadsanna iskama celin karaan.

Soomaalidu waxey tiraah ” Colka waraf ma lagu dayey”. Maadaama Al Shabaab na dulleysteen, na dileen, argagax iyo cabsi joogta ah na geliyeen isla markaana muuqan si looga adkaado ma iska barinaa oo jilbaha ma qabsanaa oo ma dhahnaa ” Inkaar idiin ku dhacdaye waad naga adkaateene, naga qaata waxaad doontaane dilka iyo qaraxa naga daaya ummadii baaba’dayee”. Reer Muqdisho koley quus bey taagan yihiin !.

W/Qorey: Ilyaas M. Xuseen