Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Inay Heshiis U Kordhineyso Lix Ciyaaryahan

Ciyaaraha

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay qandaraas hal sanno ah u kordhiso lix ciyaaryahan xilli ciyaareedkan.

Kooxda macalin Jose ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay ka fogaato xaaladeeda Arsenal, Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil oo ku jira 12ka bilood ee ugu danbeysa suuqa kala iibsiga, waxaana ay u muuqdaan inay iska fasaxayaan dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, macalinka United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu kordhin doono qandaraaskiisa Juan Mata, Luke Shaw, Daley Blind, Sam Johnstone, Ander Herrera iyo Ashley Young.

Dhammaan lixda ciyaaryahan ayaa ku jira sanadka ugu dambeeya ee heshiisyadooda, lakiin inta badan waxa ay heystaan fursad hal sano ah oo ay United dooneyso inay ku sii haysato.

Michael Carrick, Marouane Fellaini iyo Zlatan Ibrahimovic oo dhawaan is casilay ayaa dhamaantood 12kii bilood ee ugu danbeysay iyagoo aan laheyn fursad kale, lakiin Mourinho ayaa la sheegay inay u furan tahay fikradda ah inay sii joogaan Old Trafford.

W/Q Hafsa haji