Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulan la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Galmudug,  kulankaas oo ahaa in odayaashu kaga hadlaan sida ay u arkaan Khilaafka siyaasadeed ee ka jira galmudug.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay Culamaa’udiin, Salaadiin Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada , odayaasha kulanka ka hadlay ayaa intooda badan waxa ay ku celceliyeen in manta galmudug aysan u baahneen khilaaf siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara galmudug waxa ayna madaxweynaha ugu baaqeen in arinkaas sida ugu dhaqsiyaha badan ku xaliyo.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug oo kulanka kula hadlay odayaasha ayaa waxa uu ka codsaday in ay yimaadaan deeganada Galmudug oo ay arkan sida uu xaalku yahay, dib u hishiisiina ay ka bilaabaan deegaanka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in magaalada cadaado ay ka bilowdeen dhaqamo xun xun oo ah in waxla afduubta taas oo sheegay in ay tahay dhaqan laga dugbay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan la furidoono dekedda Hobyo.

Wariye: Axmed CabdiSalaan