Madaxda Hay’adaha Amniga oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka

Wararka Maanta

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxa ay maanta kulan aan caadi aheyn ku yeelaan doonaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho,waxaana hortagaya Mas’uuliyinta Hay’adaha Amniga.

Shalay oo Sabti aheyd ayaa Xildhibaanada waxaa ay dood adag ka yeesheen xaalada Amni ee dalka,iyada oo Xildhibaanada ay muujiyeen dhaliilo ku aadan sida ay Xukuumadda u wajahday sugida Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in Kulanka Baarlamaanka ay goobjoog ka noqdaan Su’aalana la weeydiiyo, Wasiirka Amniga, taliyeyaaha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,waxaana kulanka uu noqon doonaa mid ay Saxaafada banaanka ka joogto.

Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada amnidarro ay ka jirta Magalada Muqdisho iyo waxa uga qorsheysan, iyada oo ay xusida mudan tahay in todobaad ka hor muran uu ka dhashay kulan la filayey in su’aalo lagu weeydiiyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga.