Sida la wada ogsoon yahay Maamulka Galmudug oo dhisnaa wax yar 2 sano wuxuu hooy u noqday khilaafaad iyo qas aan xad lahayn oo hareeyey hay’adihii Dastuuriga ahaa ee Maamulka, Arintaasi waxay niyad jab iyo rajo xumo ku keentay bulsho weyntii reer Galmudug ee ku haminaysay inay maamulka ay dhisteen ku gaaraan horumar iyo dawladnimo.
Haddii si sax loo sheego saldhiga khilaafaadka Galmudug ragaadiyey 2 arimood:
1. Dasuurka Galmudug lagu dhisay oo aan 80% lagu dhaqmin.
2. Dawlada dhexe madaxdooda sare oo inta badan noqda reer Galmudug markastana Galaangal ku yeesha maamulka arimihiisa gudaha si ninkastaahi uu ugu adeegsado ama ratiga ugu kacsado arimo ka dhex jira dawlada dhexe siyaasadeeda gudaha ama dibada.
Khilaafkii ugu dambeeyey oo hormuudka ay ka ahaayeey 5 xubnood ee goleyaasha Galmudug ugu saraysa, waxaa lagu eedeeyey madaxda ugu saraysa qaranka, markii xaaladii meel xun gaartayna madaxdii xukuumada dhexe waxay yiraahdeen Galmudug khilaafkeeda waxan ku xalinaynaa xeer jajab iyo xaajo magaalo. Runtii Galmudug waa qayb muhiim ah oo ka mida Jamhuuriyada Soomaaliya haddii Dastuurkeeda madaxda sare ee qaranku baal maraan kana doortaan xeer jajab jacbur ah taasi waxay ka dhigan tahay in si toos ah loogu xadgudbay Dasuurka KG ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Ugu dambayntii Madaxda sare ee qaranka sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisalwasaare khayre waxan ugu nasteexaynayaa inay illaaaliyaan xaqna dhowraan Dastuurka Galmudug lagu dhisay xal kastana isaga laga dhex raadiyo.
WQ: Cismaan Dheere
Wasiirkii hore Dastuurka Galmudug