KENYA SEDEE BAY U XALISAY MARKII DOWLADDA ETHIOPIA AY AF DUBATAY SARAAKIIL ONLF?

Wararka Maanta

KENYA SEDEE BAY U XALISAY MARKII DOWLADDA ETHIOPIA AY AF DUBATAY SARAAKIIL ONLF?

January 26, 2014, laba Askari oo ka tirsan ciidanka Boliska dalka Kenya iyo saraakiisha sir doonaa dowladda Ethiopia waxay qabteen laba sargaal ka tirsan Jabhada Xureynta Somali Galbeed ( ONLF) ayagoo jooga maqaayad ku taala upper hill, Nairobi.

Waxay wateen 3 gaari midka mid ah ay leeyihiin ciidanka boliiska Kenya, iska markiiba waxaa la dhaafiyay xuduuda Ethopia tasoo si rasmi ah ay ula wareegeen ciidanka Sirdoonka Ethiopia.

Raga la qabtay waxay kala ahaayeen Sulub Ahmed iyo Ali Husein, waxaa lagu xiray xabsi qarsoon mudo sanad iyo afar bilood. Markii ay Dowladda Kenya arintaas ogaatay waxay qaadatay go’aan ah in deg deg loo soo daayo maxbuuska laga qafaashay dalkooda, hadii kale ay xiriirka u jareeyso Ethiopia. Waxay kaloo dambi lagu soo oogay labadii sargaal ee hoowshaas fududeeyay, tasoo ay xukuntay maxkamdda Kenya ilaa hadana ay xabsi ku jiraan.

Dowladda Kenya waxay cuskatay sharcigii caalamiga uu qoraayay sidaan:

Under Article 33 (1) of the Convention relating to the Status of Refugees (189 U.N.T.S. 150), to which Kenya is a party, “[n]o contracting state shall expel or forcibly return a refugee in any manner whatsoever to the frontiers of territories where his life or freedom would be threatened on account of his . . . political opinion.”

Sharciga as marka la soo gaabiyo oranaayo qof qaxooti ah inaan dib looga celin karin meel nafsadiisa qatar gelin karta. Kenya taas waxaa ugu darnayd in lagu xad gubbay madax banaanidooda. Hadaba maxaa dhacay?

Ka dib aduunka markuu soo fara geliyay si xiisadaas hoos loogu dhigo, Waxaa lagu qasbay in Ethopia ay yeesho dalabka Dowladda Kenya. Jun 1, 2015 waxaa dib loo soo daayay labadii sargaal ee ka tirsanaa Jabhada ONLF waxaana dib loogu soo celiyay Nairobi, Kenya. Mid ka mid ah maxbuustaasi Waxaa magan gelyo siyaasadeed siisay Dowladda Mareeykan oo ilaa hada ku nool yahay.

W/Q: Mariam Barre