Kalsoonida lagu qabo Dowladda oo hoos u dhacday

Wararka Maanta

Cilmi baaris ay wada jir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa muujineesa in hoos dhac kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hey’adaha dowladdu ay jirto xilligan marka loo eego sanadkii 2017-kii.

Cilmi baarista ayaa muujisay in dowladdu ay ku taagantahay dhabbihii dowladnimada balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, garsoorka iyo baarlamaanka.

Madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa Cabdirisaaq Aadan Maxmaed ayaa wuxuu sheegay cilmi baritsan inay xoogga ku saareen arrimaha ugu muhiimsan sida amniga, garsoorka iyo kalsoonida guud ahaan shacabka ay ku qabaan dowladda.

Madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa ayaa wuxuu sheegay ujeedada ay arrintan u sameeyeen inay tahay sidii ay u dhiiragelin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Shan bilood kadib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo inay sameeyeen cilmi baaris xilligaasina uu helay kalsooni badan, balse markan ay hoos uga dhacday 19% cilmi baaristii sanadkii hore, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay in kalsoonida ay ku qabaan shacabka hoos uga dhacday %21.

Golaha wasiirada ayuu sheegay in dhankooda ay hoos u dhacday kalsoonida ay ku qabaan shacabka %37, midaasi ayuu ku sabeeyay inta badan inaan lala socon shaqadooda.

Kalsoonida shacabka ay ku qabaan in dowladda ay wax ka ammaanka Muqdisho ayaa waxaa lagu qiyaasay inay tahay %35, waxaana shacabka saameyn ku yeelatay qaraxii 14-kii October, weerarada xarumaha dowladda iyo dilalka magaalada ka dhaca.

Shacabka ayaa dowladda ku kalsoon in ay wax ka qabaneyso arrimaha dhaqaalaha %62, halka kalsoonida lagu qabo cadaaladda in dowladda wax ka qabato ay tahay %49.

Cilmi baaristan ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa waxaa ka qeyb galay xubno kala metalayay dowladda iyo mucaaradka oo labadooda dhinac eedeeyay qaabka loo soo bandhigay cilmi baaristan.