Jawaari oo Si rasmi ah u Shaaciyey inuu iscasilayo

Wararka Maanta

Laanta afsoomaakiga BBC ayaa xaqiijisay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu aqbalay inuu iscasilo kadib buuq siyaasadeed ee ka taagnaa Magaalada Muqdisho.

Wariyaha BBC-da ayaa sheegay inuu khadka Taleefanka kula hadlay Gudoomiye Jawaari inuu u xaqiijiyey inuu Arbacada hortagi doono Golaha Shacabka, isagoo istaqaaladiisa u gudbin doono Barlamaanka.

Prof Jawaari oo galabta la shiray xildhibaanadii taageersanaa ayaa u cadeeyey inuu qaatay go’aanka inuu iscasilo, isagoo ilaalinaya midnimada Golaha Shacabka.

Durba waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday xusulduubka loogu jiro kursiga gudoomiyaha Barlamaanka, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socdo isbadasho ciyaarta siyaasadeed ee ka socota Muqdisho.