Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxa ka furmey shir looga hadlayo ilaalinta kheyraadka badaha Soomaaliya kaas oo a soo qaban qaabisay hey’adda ilaalinta badaha caalamka.
Shirka waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha shacabka kuna qeybgalaya shirka ayaa sheegay in ahmiyadda shirkan ay tahay sidii looga wada hadli lahaa wax ka qabashada boobka lagu hayo hanti badeedka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Dalxa, ayaa sidoo kale sheegay in shirka muddo sadex bari ah uu socon doona, iyadoo si weyn loo falan qeyn doono meesha dhibaatada ka jirto iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Badaha dalka Soomaaliya ayaa dayacnaa tan iyo burburkii dowladdii militiriga 1991, hase ahaatee waxaa socoda dadaalo ku aadan sidii loo ilaalin lahaa kheyraadka badaha Soomaaliya.
Sonna