Isbitaalka Xoogga dalka oo dib loo dhisayo (Sawirro)

Caafimaadka Uncategorized Wararka Maanta

Munaasabad kooban oo loo sameeyay dib u dhiska Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayana ka qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ,Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’ado ka qeyb-qaadanaya dib u dhiska ayaa shalay lagu qabtay Xaruunta Isbitaalkaasi ee Magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Madax ka socota Bankraft iyo UNOPS, waxaa ujeedkeedu uu ahaa dhameystirka Mashruuca dhismaha Isbitaalka Xoogga Dalka, waxaana halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini,isagoo sheegay in Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu yahay isbitaal taariikh weyn leh islamarkaana Dowladda Talyaaniga ay weligeed taageeri jirtay.

“Isbitaalka Xooga Dalka waxan ka biloownay meel eber ah laakiin hadda waxaa ii muuqata rajo wanaagsan,waxaana Dowlada Talyaaniga aan ka rajeynayaa in si wanaagsan ay inoogu dhisi doonto” ayay tiri Agaasimaha Isbitaalka Xooga Dalka Drs Khadiija Iimaan.

Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xooga Dalka Generaal Liibaan Xuseen Cismaan ayaa isna sheegay in Dowlada Talyaaniga ay uga mahad celinayaan sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa u taariikh weyn ku leeyahay Dalka, waxaana uu u gaar yahay Ciidanka Xoogga Dalka,waxaana hadda uu yahay mid qaab caalami ah loo dhisayo.

fb_img_1480042677125fb_img_1480042673226fb_img_1480042681003fb_img_1480042684527

Comments are closed.