Howlgallo xoogan oo ka bilaawday Gobolka Bakool

Wararka Maanta

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda GobolkaBakool ayaa waxa ay sheegeen in howlgal ay siwadajir ah u sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa intiisa badan waxaa laga sameeyay deegaano hoostaga degmada Xudur halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha ay sheegeen in uu ahaa mid lagu furayo wadooyinka ay Go’doomiyeen Shabaab.

Taliyaha Guutada 9aad qeybta 6aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay howlgalkaas.