Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ka wadaan Xaafadaha ay ka koban tahay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay k adhaceen falal amnidarro.
Wararka aan saakay ka heleyno Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay ku jarmaadaeen Xaafadaha Magaalada Baladweyne sigaar ah Xaafada Howl-Wadaag,waxaana sababta lagu sheegay in howlgalkaas uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo maadaama todobaadkii la soodhaafay ay dilal ka dhaceen.
Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynaya Guryaha qaar halka Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga sidoo kale baaritaano ay ku sameynayaan,waxaan adadkaMagalada Baladweyne ay sheegeen in howlgalkaas uu saameyn ku yeeshay isku-socodka dadka iyo Ganacsiga.
Taliyaha Ciidanka Booliska Baladweyne ayaa horay u sheegay in Ciidamada Booliska Baladweyne aysan u dulqaadan doonin dhibaatoyinka amni ee ka dhacaya Magalada Baladweyne,isla markaana ay bilaabayaan holwgallolagu sugayoamniga.
In kastoo welisaraakiisha howlgalka hogaamineysa aysan soo bandhigin waxayabaha ay ku qabteen howlgalkaas ayaa hadana dad ku sugan Baladweyne waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen in howlgalka dhalinyaro farabadan lagu qabqabtay,islamarkaana uu weli socdo.