Heshiis Hordhaca oo laga Gaaray Dagaal beeleed Kadhacay Xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Degaanka Banyaaley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan dhowaan waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, Dagaalkaas waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda labada beelood ee dagaalay ayaa heshiis hordhac ah waxa ay ka gaareen dagaalka ka dhacay degaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan.

Maamulada Hirshabeelle iyo Ahlusuna xubno ka socda ayaa ka shaqeeyay in heshiis hordhac ah la kala dhexdhigo, labada dhinac, sidoo kalena la kala qaado maleeshiyaadka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Cali Baashi Aadan Faarax oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in heshiis hordhac ah laga gaaray dagaalka, sidoo kalena maanta lagu wada in la dhameystiro wajiyada kale heshiiska.

Waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ay ku heshiiyeen in xabada lagu badalo wada-hadal iyo nabad, rajaduna hada ay wanaagsan tahay.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaalka Banyaaley, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, walow hadda waxgaradka Labada dhinac ay bilaabeen iney ka wada hadlaan wixii dhexmaray Labada beel.