Gudoomiyaha G. Banaadir oo dhagax-dhigay dayac-tirka Waddada Via Roma (Sawirro)

Wararka Maanta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay dayac-tirka Waddada Via Roma ee degmada Xamar-Weyne.

Mashruucaan laamiga lagu saarayo waddadan ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada ku dhaqan degmadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in la qorsheeynaayo sidii dib loogu dayac tiri lahaa dhammaan waddooyinka kale ee bur-burku soo gaaray, si loo soo celiyo bilicdii iyo quruxdii ay ku tilmaamneyd caasimaddu.

“Waxaan rabnaa inaan soo celino bilicdii Caasimadda, waxana door muhiim ah ka qaadanaya dhismaha jidadka iyo horumarinta adeegyo bulsho dadka degan degmada Xamar-Weyne”. Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashruuca dib-u-dhiska dalka, kaas oo lagu gaari karo horumar dhaxal gal ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey qaar ka mid ah guddoomiye ku xigeennada Maamulka Gobolka iyo Xog-hayaha guud.