Guddiga Xallinta Khilaafka Aqalka Hoose oo War Soo Saaray

Wararka Maanta

Guddiga Aqalka Sare uu u saaray xallinta khilaafaadka xubnaha Aqalka Hoose, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen waxay ku faahfaahiyeen halka ay howshooda mareyso.

Senator Maxamuud Axmed Mashruuc, ayaa wariyayaasha u sheegey in ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayna ka dalbadeen in uu soo faragaliyo dhammeeynta khilaafaadka. Waxa uu sheegey in madaxweynuhu uu taasi aqbalay.

Sidoo kale, Reysal wasaare Kheyre oo uu guddiga la kulmayna, waxa uu sheegey Senator Mashruuc in uu ka aqbalay in dib loogu soo celiyo xarrunta baarlamaanka xaaladdii uu ku sugnaa ka hor inta aysan khilaafaadkani imaan, taas oo uu ula jeeday in ciidamada dheeraadka ah laga qaado xarruntaasi.

Sidoo kale, guddigan ayaa la kulmay guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Xigasho: VOA