Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo goloyaasha maamulka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo xalay ku geeriyooday dalka Hindiya.
Allaha u naxariistee Xildhibaankan ayaa laga soo doortay Galmudug, wuxuuna ka mid ahaa siyaasiyiintii awoodda ku lahaa magaalada Muqdisho.