Dowlad goboleedka Galmudug iyo garabka Ahlu sunna ayaa goordhow dalka Jabuuti ku kala saxiixday heshiis horudhac ah kadib 8 maalmood oo ay ku sugnaayeen dalka Jabuuti. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaha Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa labada dhinac u kala saxiixay heshiiska.
Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna waljmeeca Macalin maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan Jabuuti. Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa u mahad celiyay Dowladda Jabuuti oo Marti galisay Shirka iyo Hay’adihii Fududeeyay waxuu Rajo ka muujiyay in wixii ka dhiman heshiiskan lagu dhameeyo Magaalada Dhuusamareeb oo hada Gacanta ugu jirta Ahlusuna
Ma cadda qodobada heshiiskan, waxaana madasha goob joog ka aha Madax ka kala socotay Jabuuti, IGAD iyo dowladda federaalka Soomaaliya, dhanka ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijieyey in heshiiska rasmiga ahi ka dhici doono xarunta Madaxtooyada Villa Somalia magaalada Muqdisho dabayaaqada isbuucan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac isaga soo dhawaadeen qodobo muhiim ah oo ay isku hayeen. wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com isha wararka xaqiiqda ah.