Galmudug:” Dowladu waa in ay joojisaa Faragalinta doorashada Galmudug”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay fara gelinta ka deyso howlaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Dowladda Dhexe aysan xaq u laheyn in ay fara gelin toos ah ku sameyso howlaha ka socda Magaalada Cadaado ee Doorashada ah.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda laga doonayo oo keliya taageero isla markaana kaalin ka qaadato qabsoomida Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan in 10-ka bishan April ay Magaalada Cadaado ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Waxa uu Guddiga Doorashada ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan go’aankooda kuna dadaalaan in uu dib u dhac ku yimaado qabsoomida Doorashada.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan ayaa shacabka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Galmudug ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug.