Gaariga Madaxweyne Xaaf oo Qarax lagula eegtay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Meel u dhow isgoyska Banaadir degmada Hodan magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay qarax nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana qaraxaan lala eegtay gaari uu lahaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Gaarigaan ayaa inta badan waxaa adeegsada ilaalada Madaxweyne Xaaf, waxaana Qarax lala eegtay kadib markii uu ka leexday laamiga, xiliga qaraxa lala beegsanayey ayaa gaariga waxaa saarnaa ilaalada Madaxweyne Xaaf iyo Wariyaha gaarka Madaxweynaha, waxa ayna kasoo laabteen adeeg ay u doonteen magaalada.

Dadkii gaariga saarnaa ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaana goobta ku dhintay 4 Qof oo rayid ah, sidoo kale waxaa ku dhawaacmay 5 qof oo rayid oo goobta ka agdhawaa. lama oga cidda ka dambeysay Qaraxaan. mana jirto cid ka hadashay qaraxaan. Sidoo Kale Madaxweyne Xaaf ayaa xiliga Qarax dhacayey ku sugnaa hoygiisa Magaalada Muqdisho.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com